Soomaali dalka Angola ugu geeriyootey cudurka Cagaarshowga (Yellow Fever)

Dalka Angoola oo ku yaalla Koofurta Qaaradda Afrika waxaa dhamaadka Sanadkii la soo dhaafay 2015 ka dillaacay Cudur dilaa ah oo loo yaqaanno Yellow Fever, kaas oo galaaftay nolosha muwaadiniin badan oo xanuunkaasi uu soo ritay.

Magaalada Luanda ee ah caasimadda dalka Angola waxaa ku nool Soomaali lagu qiyaasay Shan Kun oo ganacsi kala duwan ku leh dalkaasi.

Soomaalida ku nool dalkaasi waxa ay qeyb ka noqdeen dadka uu saameynta xooggan ku yeeshay Xanuunkaasi, waxaana taas ay sababtay in dad badan ay dalkaasi isaga baxaan kuwaas oo sida la tilmaamayo qaarkood Soomaaliya ay dib ugu soo laabteen halka kuwa kalana ay aadeen dalka Koofur Afrika.

Maxamed Dhiblaawe Afhayeenka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Angola oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in labadii bil ee la soo dhaafay uu Cudurka Yellow Fever galaaftay nolosha 12 Qof oo Soomaali ah 20 kalana ay Cisbitaalada ku jiraan.

Astaamaha cudurkan lagu garan karo waxaa kamid ah, indhaha oo ku cagaarta, Hunqaaco, iyo Shuban, iyadoo qofka uu soo rito uu ugu dambeyn soo matago Dhiig daqiiqado kadibna naf- baxo.