Ma rabo in aan Fasiro go’aanka Maxkamada ama aan ka hadlo Saameynta ay ku leeday Doorashada iyo sababta loogu soo beegay xiligaan ay ka dhimantahay Doorashada Asbuuc ka yar iyo Musharaxa ka faa’iideysan-kara!!. Lkn waxaan rabaa in aan faalo yar ku daro Fahamka Somaalida ee Ololaha Doorashooyinka nagu cusub.
“Somali aragtaa! Yaab aragtaa!” Waa oraah uu yiri nin Ajnabi ah oo Somalida la shaqeeyey, marki uu ku arkay dibad iyo gudaba iyaga oo; is jecel, is raadsanaya, Tukanaya, Masaajida Camiraya, Xijaaban, Ger iyo Qamiisyo leh, Sadaqo iyo is Caawin badan!!. Lkn hadana Aduunka ugu Dhiig-daadin iyo Musuq-maasuq badan!.
Hadaba markaat aragto Ololaha Doorshada Aduunka waxaa jira wax u banaan Musharaxa in uu ku eedeeyo Musharaxa kale iyo wax ka Mamnuuc ah, sida; Hogaan xumo, Aragti gaabni, Xiriir xumo, Maamul xumo, Karti xumo, Gaabis shaqo, dib u dhac, Horumar la’aan, Fashil Siyaasadeed iwm!. Lkn ma jirto in la isku eedeeyo Danbiyo waaweyn oo Ciqaab-toodo gaareyso Dil, Dal-dalaad ama Xabsi dheer, una baahan Cadeyn iyo Baaritaan, Sida; Khiyaana Qaran, Tuugo, Xatooyo Xoolo-dadweyne, U shaqeyn ama La shaqeyn Dawlado Shisheeye, Iibsi Badd, Hawo ama Dhul Qaran iwm.
Xiligii Kacaanka Nin ayaa lagu dilay 100 kun Shilin Somali ah oo xiligaas u dhigantay ilaa 30 kun Doolar, Sharcigina weli waa jiraa!!.
Raisal-wasaarihii wuxuu ku eedeeye Madaxweyni-hiisa in uu Olalihiisa u kaalmeystay Dawlado Shisheeye isaga oo weli Wakiil uga ah Golaha Xukuumada , kana mid ah Madasha Hogaanka Qaran.
Madaxweynihii wuxuu Raysalal-wasaarihiisa ku eedeeyey in uu Badda horey u Iibsaday! Kadibna ku abaal-mariyey Safiirkii Dawlada ugu weyn Aduunka, kadibna Raysal-wasaarihii ugu Cumriga dheeraa ilaa Carte, welina kula jiro Madasha.
Madaxweynihii hore wuxuu Wacad ku maray in uu soo celinayo Hantidii laga Xaday Qaranka ama laga Dhacay 4tii Sano ee uu Xukunka ka Maqnaa! Isaga oo lagu eedeeyey in uu Berrigii ku filnaa-waayey ee uu Baddii wax ka Iibsaday!.
Wasiirkii hore ee Qorsheynta ee Saxiixay MOU gii Badda ee dhaliyey Tuhunka, hadana ah Musharax Madaxweyne ayaa horay uga sheegay Saxaafada in Madaxweyne Xasan La-taliye ka ahaan jiray Wasaaradiisa, uuna Nadiif ahaa Xiligaas!.
Hadaba maxaa ka qaldan! Ololaha Doorashada Somalida?
Somaalidu miyeysan Danbi-weyn u aqoon-saneyn; Dilka Nafta, Dilka Sumcadda, Xadida ama Dhaca Hantida Qaranka?
Maxaa ku Banaan ama ka Xaaraan ah Sharciga Ololaha Doorashada Somalida?
Hadii aan la bedeleyn ama aan Cod loo diidi karinMusharaxa maxaa loo Ceebeynayaa?
W/Q: Dr Maxamed Gacal


