SONSA oo ku baaqday Joojinta dagaallada Maxaas iyo Kaxandhaale

Dallada Ururada Bulshada rayid ah ee SONSA ayaa baaq kasoo saartay dagaalladii u dhaxeeyay Maleeshiyaadka ee ka dhacay Kaxandhaale iyo degmada Maxaas, islamarkaana ay ku dhinteen dad badan oo Shacab ah.

Dalladda ayaa sheegtay in maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ay ka dalbaneyso in ay si deg deg ah wax uga qabtaan dagaallada u dhaxeeya beelaha walaalaha ah si loo soo Afjaro Colaada.

Waxa ay sidoo kale ku baaqday in aan lagu xadgudbin dadka Maatada ah sidda Haweenka iyo Carruurta, waxaana ay beelaha dagaallamaya ugu baaqday in ay joojiyaan dagaalka si Shuruud la’aan ah.