Somaliland oo shaacisay Natiijada dad laga baarey Coronavirus

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay soo bandhigtay natiijada 11 Ruux oo loo diray baaris Caafimaad oo la xiriirta Cudurka safmareenka ah ee COVID19.

Qoraal kasoo baxay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xargeeye ayaa lagu sheegay in ay soo baxday Natiijada 11 Qof oo dhawaan ay direen Dheecaanadooda si looga soo Baaro Xanuuna Coronavires oo looga shakiyey.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in dhamaan 11-kii  Qof ee Dheecaanooda la qaaday laga waayey Xanuunka Covid 19 lana fasaxay.

Sidoo kale Agaasimaha waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in lixdii Qof ee hore looga helay Cudurka Covid 19 uu Qofkii labaad ka Caafimaaday halka 5 kale uu sheegay inay xaaladooda wanaagsan tahay.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.