Dil ka dhacay Gobolka Sanaag & faah faahin laga helayo

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay weerar Jidgal ahaa ku dileen qof Shacab ahaa deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag,iyaga oo Goobta ka baxsaday.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa  tuulooyinka Midigale iyo Cawsane ee gobolka Sanaag,waxaana la sheegay in maleeshiyaadka hubeysan ay dileen Nin watay Gaari nooca Land Cruiser, kaasi oo ka yimid dhinaca degaanka Ceeldaahir,isla markaana gaarigii ay ka qaateen.

Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dilkaasi uu salka ku haayo aanooyin qabiil,isla markaana raggii dilkaasi geystay ay u baxsadeen dhinaca degaanka Buraan ee isla Gobolka Sanaag.

Deegaanka uu weerarka ka dhacay ayaa waxaa ay ka mid tahay deegaannada Gobolka Sanaag ay Puntland ka maamusho,waxaana laamaha Amniga Maamulkaas ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.