Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo shalay xilkii ka qaaday Taliyaha Saldhiga Booliska Boondheere ayaa Maanta Taliye Cusub u Magacaabey Saldhigaas.
Taliyihii Saldhiga Booliska Boondheere Najiib Carab ayaa waxaa xilkii looga qaaday dil askari kamid ahaa Ciidmadiisa uu habeen ka hor laba qof oo Shacab ahaa ugu geystay Gurigooda oo ku yaalla agagaarka Isgoyska Jubba ee Magaada Muqdisho xilli Magaalada Muqdisho uu ka jiray Bandow.
Taliye Xijaar ayaa Taliyaha Saldhiga Booliska Boondheere u Magacaabey Nin muddo badan ka tirsanaa Ciidanka Booliska oo lagu Magacaabo Dhamme Cabdi Sheekh Ciise,isaga oo isla Maanta xilka la wareegaya.
Dhacdadii xilka looga qaaday Taliyihii Saldhiga Booliska Boondheere ayaa waxaa ay sababtay banaanbaxyo rabshado watay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.



