Somaliland oo shaacisay kiisas Cusub oo Coronavirus ah

Soomaaliland ayaa Maanta shaacisay kiisas horleh oo Cudurka Coronavirus ah oo laga helay deegaannadeeda iyo qofkii labaad oo Cudurkaas u dhintay.

Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Soomaaliland ayaa qoraal kasoo baxay waxaa lagu sheegay in la baaray dad looga shakisnaa Cudurka COVID-19 balse Cudurka laga helay 3 Ruux.

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa sheegtay in qof qabay Cudurka uu ugu dhintay Magaalada Hargeysa kaas oo noqonaya qofkii labaad oo Soomaaliland ugu dhinta COVID-19.

Tirada Guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus deegaannada Soomaaliland waxaa ay yihiin 12 qof laba qof ay u dhinteen halka la baaray 311 Ruux.