Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa ku dhawaaqay Salaad roobdoon ah oo laga dukanayo dhamaan degaannada iyo degmooyinka Somaliland maadaama abaar baahsan ay kajirto.
Shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiir Sheekh Cabdirisaaq Sheekh Xuseen (Albaani) ayuu ku sheegay in Maalinta Axada ah taariikhduna ku beegan tahay 19 Bisha December laga doonayo Bulshada kunool degaannada Somaliland inay u istaagaan Salaad Roobdoon ah.
Waxaa uu sheegay in dalka ay kajirto xaalad abaareed iyo biyo la’aan daran sidaas daraadeedna loo baahan yahay in la sameeyo Alle bari si alle Ummada uga dul qaado abaarta.
Degaannada Somaliland waxaa ay kamid tahay meelaha ay saameysay dadka kunool abaarta baahsan ee kajirta guud ahaan dalka Soomaaliya.



