Somaliland oo ku dhawaaqday in la furay Ururada Siyaasada

Xukuumadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in la furay Ururada Siyaasadda ka dib markii dhawaan uu muran badan ka dhashay.

Saleymaan Cali Koore Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in xeerka furashada ururada Siyaasadda uu yahay mid dhaqangal.

Waxaa uu sheegay in cidwalba hadda ay xisbi furan karto.

” Madaxweynaha Sonaliland oo aan afkiisa ku hadlayo waxaa uu aaminsan yahay in u dhaqan gal yahay xeerka furista ururada siyaasada Somaliland , qoraalka madaxweynuhu golaha ku celiyayna wuxuu ahaa sidii doorashooyinka loo galayay , ninkii urur raban waa u furan yahay maanta” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland.

Somaliland hadda waxaa ka jira Saddex Siyaasadeed oo labo ka mid ah yihiin Mucaarad.