Haregysa-RisaalaFM- Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa warbaahinta u sheegay in koox burcad ah ay xalay gaari Xamuul ah ay ku weerareen xaafada New Hargeysa.
Kooxda ayaa dhaawacay nin la socday gaariga oo ay leedahay shirkadda Oomaar, waxaana ay ka xaysteen gaariga.
Ciidamada Booliska iyo kooxda ayaa israsaasaynta ku dhexmartay degaanka Bandar Wanaag oo banaanka ka ah Hargeysa, halkaas oo ciidamadu ku soo qabteen gaariga la dhacay iyo kii ragga hubaysan wateen balse waxa baxsaday raggii wax afduubay.
Fadal, ayaa sheegay in kooxdaasi uu hoggaaminayay nin lagu magacaabo Naasir Xasan Ismaaciil, wuxuuna tilmaamay in ciidamada ammaanka ay ku daba jiraan dableyda.



