Kooxda Kubadda Cagta ee Manchester United ayaa kumeel gaarnimadii waxa ay ka saartay tababarahoodii reer Norway ee Solskjaer, kaas oo si KMG ah u haayay xilkaas.
Ole Gunnar Solskjaer ayaa laga adkaan waayay 10-kulan uu Premier League ku hogaamiyay Red Devils iyadoo uu hal kulan oo qura bar baro galay, taa oo keentay in xilka si rasmi ah loogu dhiibo.
Manchester United ayaa tababare Solskjaer waxa ay la gaartay heshiis Saddex sano ah,isaga oo xilkaas kala wareegay tababarihii Shaqada laga ceriyey ee Mourinho.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa la hadal-hayey in Kooxda Manchester United loo dhiibi doono tababare Mauricio Pochettino oo leyliya Kooxda Tottenham, hayeeshee taasi ayaa meesha ka baxday markii sirasmia ah loogu magacaabay Solskjaer.



