Sky Sports ayaa u hogaansantay dalabkii maamulka Premier League iyagoo diiday inay weydiiyaan tababaraha Chelsea Frank Lampard su’aalo ku saabsan dib u bilaabashada xilli ciyaareedka.
Maamulka Premier League ayaa ka mamnuucay TV-yada waa weyn ee Sky Sports iyo BT Sport inay martidooda weydiiyaan su’aalo la xiriira mustaqbalka xilli ciyaareedka ama saameynta ay ciyaartoyda ku yeelaneyso karantiilka ay ku jiraan.
Saaka oo Isniin aheyd, Sky Sports ayaa barnaamijkooda cusub ee Live: The Football Show waxay ku marti qaadeen tababaraha Chelsea Frank Lampard laakiin waxba kama aysan weydiinin dib u bilaabashada xilli ciyaareedka iyo saameynta ciyaartoyda ay ku yeelaneyso hakadka uu ku jiro xilli ciyaareedka.
Taas bedelkeeda waxay weydiiyeen su’aalo la xiriira xaalada coronavirus, haddii ciyaartoyda Chelsea xoriyad loo siiyay isticmaalkooda agabka teknooloojiyada, waxay sidoo kale weydiiyeen qaab ciyaareedka Chelsea ee ilaa iyo haatan iyo weliba xiddiga kooxda u soo baxaya ee Billy Gilmour.
Sky Sports ayaa u hogaansantay amarka maamulka Premier League ka dib markii looga digay in la ciqaabo doono haddii ay ku xadgudbaan sharciyada cusub.
Sky Sports ayaa heshiis kula jirta Premier League iyagoo 1.19 bilyan ginni ku bixiya baahinta horyaalka Premier League halka BT Sport ay iyadana 325 milyan ginni ku bixiso baahinta kulamada qaar ee horyaalka Premier League.



