Tottenham Oo Raacday Wadadii Liverpool Iyagoo Ka Laabtay Go’aan Muran Dhaliyay Oo Ka Careysiiyay Dadka Ingariiska

Tottenham Hotspur ayaa ka laabatay go’aankii ay shaqada uga ceyriyeen si ku meel gaar ah shaqaalahooda iyagoo shaaca ka qaaday inay bixin doonaan mushaharkooda oo dhameystiran bilaha April iyo May.

Tottenham ayaa sida Liverpool ka laabatay go’aankoodii hore ee ay shaqada uga fariisiyeen shaqaalahooda aan ciyaarin ka dib markii ay dhaleeceyn badan kala kulmeen taageerayaasha iyo ciyaartoy hore.

Kooxda Premier League ka dhisan ayaa shaacisay maanta in taageerayaashooda ay ku saxnaayeen inay u sheegaan kooxda inaysan qaadanin lacagta dowlada xilli lagu jiro musiibada caabuqa coronavirus.

Qorshihii hore ee kooxda Tottenham ayaa ahaa inay si ku meel gaar ah shaqada uga fariisiso shaqaalaheeda taasoo ku qasbi laheyd dowlada Ingariiska inay bixiso mushaharka dadka shaqo la’aanta ah.

Tottenham waxay haatan sheegtay inay iyagu bixin doonaan mushaharka shaqaalahooda oo dhameystiran bedelkii ay ka faa’ideysan lahaayeen qorshaha ay dowlada lacag ku siineyso dadka shaqo la’aanta ah.