Horyaalka Premier League ayaa maraya meel xasaasi ah, wuxuuna kusii dhawaanayaa heerarkiisii ugu dambeeyay iyadoo Blues ay 7-dhibcood ka horeyso Tottenham Hotspur oo ah kooxda kaalinta labaad.
Sky Sports ayaa weydiisay falanqeeyayaasheeda xiddiga ay u arkaan inuu noqon karo xidiga hanan kara abaalmarinta ciyaariyahanka ugu wanaagsan xili ciyaareedka.
Graeme Souness, Thierry Henry, Jamie Carragher, Niall Quinn, Gary Neville iyo Alan Smith ayaa cabiray fikradooda inkastoo ay kala aragti duwanaadeen, kaliya afar xidig ayey doorteen dhamaantood waana Sadio Mane, Eden Hazard, Zlatan Ibrahimovic iyo N’Golo Kante.
Graemev Souness: Zlatan Ibrahimovic
Halyeeygii hore Liverpool wuxuu u doortay xidiga xili ciyaareedka waayeelka Manchester United Zlatan Ibrahimovic, Souness wuxuu ku doodayaa isagoo 35-jir ah haduuba bandhigaas sameeyay isagaa u qalma inuu hanto.
Thierry Henry: Sadio Mane
Halyeygii hore Gunners Henry ayaan iloobin in Zlatan uu sameeyay wax fiican, balse wuxuu ka dhawaajiyay in Mane uu yahay xiddiga ugu shidan horyaalka, sidoo kale Henry wuxuu ku doodayaa inuu kala duwanaasho ka abuuray Horyaalka iyo Liverpool intaba.


