Horyaalka Ingiriiska ayaa waxaa todobaadkan la ciyaari doonaa kulamo xiiso badan iyadoo koox kasta ay udagaalami doonto iney guul gaarto.
Qabiirka Sky Sport Paul Merson ayaa saadaaliyay in Arsenal ay kusoo laaban karto wadada guusha marka ay la kulanto kooxda Swansea, halka Man City iyo Liverpool ay bar bardhac ku kala bixi karaan.
Chelsea ayuu sidoo kale saadaaliyay iney garaaci doonto Norwich, halka Man United ay ka badin karto Watford, waxaase hogaanka sii hayn kara oo badan kara kooxda Leciester oo la ciyaareysa naadiga West Brom, sidoo kale waxaa la hakin karaa Tottenham oo la ciyaareysa kooxda West Ham.
Saadaasha Horyaalka Ingiriiska ee todobaadkan
Kulamada Caawa
Aston Villa v Everton 0-3
Bournemouth v Southampton 1-1
Leicester v West Brom 2-1
Norwich v Chelsea – 0-2
Sunderland v Crystal Palace 2-1
Kulamada Habeen Danbe
Arsenal v Swansea 2-0
Stoke v Newcastle 3-1
West Ham v Tottenham 1-1
Liverpool v Man City 1-1
Man Utd v Watford 2-1


