Siyaasiyiin Mucaaradka oo war ka soo saaray dagaalada ka socda Puntland iyo Hirshabelle.

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen Siyaasiyiinta mucaaradka ee  kala ah  Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo C/raxmaan C/shakuur ayey markii ugu horeysay uga hadleen dagaallada culus ee ka socda Hirshabeelle iyo weerarrada joogtada ah ee Al-shabaab  ku heyso Gobolka Sh/Dhexe.

Qoraalka ayaa lagu yiri: “Waxaa lagama maarmaan ah in dib-u-eegis lagu sameeyo dagaalka lagula jiro khawaarijta, degdegna wax looga qabto sababaha keenay in ay maanta duulaan yihiin argagaxisadii ay sanad ka hor baacsanayeen ciidankeenna iyo halgamayaasha deegaanka, dibna u qabsadeen qaar ka mid ah deegaanadii horay looga xoreeyey ee Sh/Dhexe”

Sidoo kale qoraalkooda ayaa waxaa intaasi lagu daray “ Waxaan si buuxda u garab-taagannahay ciidamada qalabka-sida oo ay ugu horreeyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Daraawiishta iyo halgamayaasha degaanka ee Macawiisleyda ee Argagaxisada Daacish iyo Al-Shabaab kula diririya gobollada Bari iyo Shabeellaha Dhexe ee Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Hirshabeelle.”.

Qoraalka ayaa u qornaa sidan:-