Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in ay qaadan karto maalma kale oo dheeraad ah si loo kala ogaado khasaaraha iyo samenyta dhabta ah ee ka dhalatay dufanadii ku dhuftay dalka Haiti.
Masuuliyinta halkasi jooga waxaa ay sheegen in 800 oo qof la rumesanyahay in ay ku dhinteen dabeylaha ku dhuftay Haiti Malintii Talaadada.
James Beighle, oo ah madaxa gargaarka He`yadda mad-habta Catholic-ga ayaa BBC-da u sheegay in tirada dhimashada ay kordhi karto.
Carlos Veloso, oo katirsan Hey`adda cunnada addunka ee WFP ayaa sheegay in gargaar ah la gaarsiiyay halka ay mashaqadu ka dhacday.
Balse deegaanada ay yihiin kuwa go`doonsan, sida kaliya ee lagu gaari karana ay tahay in la adeegsado diyaaradaha qumatiga ukaca ee Helicoptarada.
Waxaana uu sidookale uu sheegay in dadka rayidka ee Haiti ay sameeyeen waxwalbo oo karankooda ah, laakiin ay u baahanyihiin tageero dheeraad.


