RASMI: Barcelona Oo Xaqiijisay Mudada Garoomada Uu Seegayo Jordi Alba

FC Barcelona ayaa si rasmi ah kaga hadashay dhaawac Jordi Alba , waxaana shaaca ay ka qaaday in daafaca bidix uu soo gaaray dhaawac lugta bidix ah kulankii habeenkii khamiista xulka Spain barbaro 1-1 la galeen Italy.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeed kooxda, “ciyaaryahan Jordi Alba ayaa qaba dhaawac muruqa ah waxaana garoomada uu ka maqnana doonaa qiyaastii 10 maalmood.”

Alba ayaa hore fariin uu ugu soo diray taageerayaasha waxa uu hoos ugu dhigay inuu qabo dhaawac weyn oo laga walwalo.

Lionel Messi, Ivan Rakitic iyo Samuel Umtiti ayaa sidoo kale hore kaga maqnaa dhaawac kooxda Barcelona.