Sidee ku heli kartaa wararka deg dega ah ee Radio Risaala ?

Muqdisho-RisaalaFM- Ogeysiis muhiim ah dhammaan dadka ku xiran Idaacadda Risaala FM 102.2MHz iyo website-ka Radiorisaala.com waxaa la ogeysiinayaa in Idaacadda ay soo kordhisay hab cusub oo aad ku heli karto wararka deg dega ah ee dal iyo dibadba.

Si aad u hesho wararka deg dega ah ee Radio Risaala soo booqo Radiorisaala.com kadib Gambaleelka guduudan ee ka soo muuqanaya qeybta hoose ee Website-ka dhanka bidix Subscribe dhaho, waxaad telefoonkaaga gacanta ku heli doontaa wararkii ugu dambeeyay ee dal iyo dibadba, waliba si lacag la’aan ah.

Sidoo kale hadii aad isticmaaleyso Computer oo aad dhahato Subscribe webkeena, adiga Pages kale oo Computerkaaga ah uu ku furan yahay ayay kuu soo dhacayaan wararka lagu soo daabaco Radiorisaala.com

Saaxiibadeena ku xiran website-keena Risaala.net waxaan ugu bishaareyneynaa in aan isbedel balaaran ku sameynay webka, oo waxyaabo badan aan ku soo kordhinay, kuwaasi oo aad arki karto hadii aad soo booqato.