Maxaa ku soo kordhay goobihii shalay ay ka dhaceen weerarada ?

Muqdisho-RisaalaFM- Kadib weerarkii xoogaga ururka Al-shabaab ay ku qaadeen aagga Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan barta Kontorool ee ciidanka Koofi guduuda ay ku leeyihiin meel ku dhaw Beerta Nabadda ayaa ciidankii halkaasi joogay waxa ay la soo baxeen dhaqan cusub oo shacabka ay aad ula yaabeen.

Ciidan cusub oo ka tirsan ururka 60-aad ee ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya iyo Madaxda ugu sareysa ee dalka ayaa saakay lagu soo daadiyay aagga uu weerarka ka dhacay iyaga oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo aad u feejigan.

Waxaa go’ay isticmaalka gaadidka wadadaasi marayay kadib weerarka, iyada oo markii horeba ay yaraayeen gaadiidka isticmaalayay goobta uu weerarka ka dhacay ayaa maanta waxaanan jirin dhaqdhaqaaq wadadaasi ka jira.

Ciidanka koofi guduuda ayaa maanta oo Axad ah la arkayay gaadiidka ay wataan shaqaalaha dowladda iyaga oo u diidaya inay wadadaasi maraan, xitaa iyaga oo wata aqoonsiyo.

Arrinta kale ee soo korortay ayaa ah in shacabka wadadaasi lugtooda ku mara loo diido maanta inay halkaasi maraan, keliya waxaa wadada marayay shaqaalaha dowladda iyo dadka kale ee aqoonsiyada wata, iyaga oo aan wax gaadid ah wadan, balse lugtooda maalayay.

Wadooyinka maanta aqoonsiyada la isku weydiinayay ayaa waxaa ka mid ah dhanka wadada Ceelgaabta, Hooyooyinka iyo wadada Sayidka, kuwaasi oo dhammaan gala Madaxtooyada Soomaaliya.

Arrintan ayaa waxa ay dhibaato ku noqoneysaa hadii ay sii socoto dadka rayidka ah ee degan degmooyinka ka dambeeya Madaxtooyada gaar ahaan degmada Hawlwadaag ee u soo shaqo tago Suuqa Xamar Weyne, maadaama dadka oo dhan aysan wada heysan aqoonsiyo.

“Qof shacab ah oo arrintan ay saakay qabsatay ayaa sidan ku waramay “Saakay markaan ka soo toosay oo aan soo aaday goobteyda shaqo oo ku dhaw aagga Madaxtooyada ayaa markii aan u soo dhawaaday barka kontorool ee ku dhaw Beerta Nabadda ee shalay uu weerarka ka dhacay waxaa ciidanka ay igu amreen inaan istaago oo aan aqoonsi tusiyo, hadii aanan wadadaasi mareyn, waxaan u sheegay inaan aqoonsi wadan oo aan ahay qof shacab ah, balse waala ii diiday, waxay qasabtay inaan soo maro wareeg dheer oo aan shaqada ka habsaamo.”

Shabaab ayaa shalay hawlgal isugu jiray weerar toos ah iyo qaraxyo waxa ay ku qaadeen barta kontorool ee ay joogaan ciidanka koofi guduuda ee ku taalla meel ku dhaw irida Beerta Nabadda, weerarkaasi waxaa ka dhashay khasaare kala duwan.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa waxa ay sheegeen in dowladda federaalka ay waji gabax ku tahay iyada oo wadooyinka ay xiran yihiin oo shacabka aanan loo ogoleyn in hadana Shabaab ay weeraro ka geystaan magaalada meesha ay ka rabaan iyo waqtiga ay doonaan.