Shirkii Madaxda Maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe oo fashilmay

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa 28-dii Bishii koowaad ee Sanadkaan Magaalada Garowe kaga dhawaaqay in Bisha March Garowe lagu qaban doono Shir u dhaxeeya  Madaxda dowladda dhexe  iyo dowlad goboleedyadda, kaasoo lagu dhameystiri rabay kulankii Garowe ee Afgaradka horudhac ah looga gaaray Khilaafkii dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow Madaxda maamul goboleedyadda ayaa xaqiijiyay in Shirkaasi uu fashilmay ka dib markii dowladda dhexe ee Soomaaliya ay isku dayday in Madaxda maamul goboleedyadda ay keento Magaalada Muqdisho si khilaafka loo dhameystiro.

Qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda ayaa gabi ahaan diiday in ay yimaadaan Magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani.

Puntland ayaa sidoo kale la sheegay in ay ka xumaatay in Madaxda dowladda dhexe aysan muujin wax dadaal ah oo ku aadan  Shirkii lagu balamay ee Garowe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho ka dib markii dhawaan Ra’iisul Wasaare Kheyre uu tagay Magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha oo tagay Dhuusamareeb uu ka fashilmay in uu keeno Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa ku guuleystay in  uu kulmiyo Madaxweyne Farmaajo iyo qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda xilligii Caleemasarkiisa Waqti aysan kulmin  Muddo ku dhow Sanad .