Shirkii IGAD ee arrimaha dalxiiska oo la soo gaba gabeeyay

Jabuuti-RisaalaFM- Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir uu soo qaban qaabiyay urur goboledka IGAD, kaasi oo xoogga lagu saaray tirakoobka dalxiiska dalalka ku jira IGAD ee bariga Afrika iyo sidoo kale xoojinta isu socodka dalalkaasi dalxiisayaashooda sidii uu xiriir u dhexmari lahaa.

Shirkan oo mudo Saddex maalmood ah socday ayaa waxaa ka qeyb galay Sideed wadan oo ka tirsan IGAD, waxaana wadamadii ka qeyb galay ay isku raaceen qodobo muhiim u ah dalxiiska iyo sida lagu hormarin karo.

Dowladda Soomaaliya shirkan waxaa uga qeyb galay C/lahi Aadan Cusmaan oo ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Wuxuu sheegay C/laahi Aadan Cusmaan shirkan in ay ku arkeen waxyaabo badan oo Soomaaliya ka maqan,, balse hada kadib dhanka dalxiiska ay uga dayan doonaan wadamada Afrika ee arrimahan ku hormaray.

Sidoo kale wuxuu sheegay C/laahi in marka hore Dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso sugidda amniga, kadibna ay xooga saareyso arrimaha dalxiiska, si loo helo dalxiisayaal isaga kala yimaada wadamada caalamka.

Ugu dambeyntii C/laahi Aadan ayaa sheegay dalka in ay kula soo laaban doonaan qorshe ku aadan dalxiiska, gaar ahaan dadka ka imaanaya Dibada sidii loogu diyaarin lahaa goobo dalxiiska uu ku wanaagsan yahay, amnigoodana uu yahay mid la isku haleyn karo.

IGAD oo la aas aasay January 16, 1986dii,waxaa ajendayaasheeda ka mid ah in muwaaddiniinta u dhashay Waddamada xubanha ka ah Urur Goboleedka IGAD ay si xor ah isku dhexmarikaraan.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa dhowaan dalxiis ku yimid 27 Chines ah, kuwaasi oo maalmo ku sugnaa Muqdisho, sidoo kalena booqasho ku tagay goobaha loo dalxiis tago, sida Xeebta Liido, Jaziira, Xamarweyne, Tiyaatarka iyo goobo kale.