Diyaaradda Duulimaadyada Turkish Airline ayaa muddo ka badan todobaad kadib maanta kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International ee magaalada Muqdisho, waxii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Diyaarada Daallo Airline 2-dii bishan Febraayo.
Diyaaradda oo waday Cargo “XAMUUL”, ayaa maanta kasoo degtay garoonka Aadan Cadde sida ay inoo xaqiijiyeen shaqaalaha Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Diyaaradda Turkish Airline ayaa horey u sheegtay in duulimaadyadii magaalada Muqdisho ay u joojisay sababo la xiriira hawada dalka Soomaaliya oo aan wanaagsaneyn, sida uu sheegay afhayeen u hadlay shirkada oo warbaahinta la hadlay.
Diyaaradda Turkish ayaa ah diyaarada kaliya ee heer caalami duulimaad ugu timaada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyada isaga kala gooshta caalamka intiisa kale.
masuul u hadlay diyaaradda Turkish ayaa horay u sheegay inaysan u hakin duulimaadkoodii muqdisho qatar dhanka amaankaa laakiin ay u hakiyeen sababo dhanka cimilada Soomaaliya taas oo dad badan aysan rumaysan laakin maamulka Diyaaradda Turkish Airline ayaa ka dhabeeyey hadalkaas maadaama ay maanta Diyaraddu ka soo degtay garoonka Aaden Cadde
Waxii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Diyaaradda Daallo, waxaa aad loo adkeeyay amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.