Maxkamad Ku taallo London oo lasoo taagay Wiil Soomaaliyeed oo la xiriiray Daacish

Maxkamadda Old Bailey ee magaalladda London waxaa mar kale la soo taagay arday Soomaali lagu magacaabo Abdullahi Ahmed Jamac Farah oo 20-jir ah, kaasi oo lagu helay inuu samaystay Bar isgaarsiin oo uu kula xiriiri jirey Shaqsiyaad ka tirsan Kooxda Daacish.

Eedeysane Cabdulaahi Axmed Jaamac Faarax oo ah  arday Soomaali heysta dhalashada dalka Denmark waxna ku barta dalka Britain waxa uu maxkamadda ka hor caddeeyey inuu labo jeer dadkaasi kula xiriiray aaladaha Isgaarsiinta Bulshadda ee WhatsApp iyo Twitter-ka.

Eedeysanaha oo ay Booliska Britain xireen bishii Maarso 11 ee sannadkii 2014-kii ayaa la sheegay in lagu helay Dembi, kadib markii la soo taagay Maxkamadda, waxaana haatan la soo weriyey inuu xiriir la lahaa Labo gabdhood oo Mataane ah oo lagu kala magacaabo Salma Ibrahim Halane iyo Sahra Ibrahim Xalane, kuwaasi oo ku biiray Kooxda Daacish.

Eedeysanaha oo ay ilmo adeero yihiin Labada Mataanaha oo 16 jiro ah, kuna noolaa magaalladda Manchester, waxay bishii June ee sannadkii 2014-kii si qarsoodi ah ugu dhoofeen dalka Syria, iyagoo ku biiray Kooxda Daacish.

Sidoo kale, Maxkamadda waxay sheegtay inuu Eedeysanaha Abdullahi Ahmed Jamac Farah xiriir la lahaa Axmed Ibrahim Halane oo isagu bishii September ee sannadkii 2013-kii u soo dhoofay Somalia, lana tuhunsan yahay inuu ku biiray Xarakadda Alshabaab.

Boliska waxay sheegeen markii ay qabteen Eedeysanaha inuu tilmaamay inuu yaqaano dadkaasi ay Ehelka yihiin, gaar ahaan Ina adeerkiisa Axmed Ibrahim Halane oo madax u ah Kooxdiisa, waa sida ay Boliska sheegeen.