Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa goor dhow Madaxtooyada Soomaaliya lagu soo gaba gabeeyay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Todobaadkan ka socday Magaalada Muqdisho.
Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda dowladda Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada iyo xubno ka socday Beesha Caalamka.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in dhamaan qodobadii ay ka wada hadlayeen madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ay guul ku soo dhamaadeen.
Horey Madaxda Madasha Qaran ayaa waxa ay isla go’aamiyeen xilliga ay dhaceyso doorashada Soomaaliya, waxaana markii dambe ku dhawaaqay Guddiga Doorashooyinka dalka.
Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee hada lagu soo gaba gabeeyay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ay isku raaceen Madaxda Soomaalida.


