Shirka looga hadlayo Siyaasada Soomaaliya oo ka furmay Turkiga (DAAWO SAWIRADA)

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa ka furmay shirka looga hadlayo siyaasada iyo amniga dalka Soomaaliya.

Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo hogaamiyaasha maamul goboleedyada dalka Soomaaliya.

Waxaa shir gudoominaya madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo madaxweynaha dalka Turkiga Mr Erdogan.

Maanta iyo beri ayaa sida qorshaha uu yahay shirkaasi ka socon doonaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxaana gabo-gabada laga soo saarayaa war murtiyeed ku saabsan shirkaasi.

Shirka waxaa sidoo kale goob joog ka ah wakiilo ka socdo wadamada daneeyo arimaha Soomaaliya iyo xubno matalaya ururada caalamiga ee ka dhisan caalamka.

Inta badan shirka waxaa diirada lagu saarayaa siyaasada Soomaaliya oo ay ugu horeyso doorashada dhamaadka sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya.

Shirka waxaa si wadajir ah u qaban qaabiyay dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, waxaana qaramada midoobay uga qeyb galaya ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

istanbul-8 istanbul-7 istanbul-6 istanbul-4 istanbul-3 istanbul-2 istanbul-1