Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta gelinkii dambe magaalada Garowe ka dhacay shirkii caadiga ahaa ee Todobaadlaha oo ay yeeshaan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, shirkan ayaa waxa uu ahaa mid warbixino looga dhageystay Wasiiro ka tirsan xukuumadda.
Shirkan oo guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka, Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, kuxigeenkiisa, Golaha Wasiirada Soomaliya iyo kua Puntland, iyada oo marka hore shir ay yeesheen Wasiirada DF iyo kuwa Puntland, intaasi kadibna la guda galay shirkii caadiga ahaa.
Shirkan oo waqti badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, arrimaha ammaanka, Dhaqaalaha, Mashaariicda iyo Qaraxii ka dhacay Buuhoodle oo Golaha ay cambaareeyeen.
Shirka Wada jirka ah ayaa lagu go’aamiyey in si dhaqso ah loo sii daayo maxabiis ku jirta xabsiga dhexe Magaaladda Garoowe, kuwaasi oo ku dhow 600 Boqol Muwaadin oo loo haysto falal burcad badeednimo ah, si ay ugu dhamaystaan xukuno ay ku rideen maxkamadu ku yaalla dalka Dibadiisa, iyaddoo loo marayo hab sharci ah, daba-galka arrintaanna ayaa waxaa loo xil saaray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Cadaaladda XFS.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaliya Daahir Maxamuud Geelle oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in shirka uu ku soo dhamaaday guul iyo is faham, wuxuuna tilmaamay in dowladda federaalka ay ku baaqeyso in si deg deg ah loo joojiyo colaada Tukaraq.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Golihiisa Wasiirada ayaa habeen dambe waxaa la qorsheynayaa inay ka qeyb galaan munaasabadda 20 sano guurada markii la aas aasay Puntland.




