Waxaa Maalintii labaad oo xiriir ah Xarunta Madaxyooyada Soomaaliya ka socda Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo uu Shir Gudoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada ayaa shirkan ku faaqidaya dhammeystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.
Madaxda ayaa is dhaafsanaya doodo ku saabsan sida loo wajahayo arrimaha u baahan in wax laga qabto iyo wadashaqeynta Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada, waxaana kulanka warbixin la xiriirta xaaladaha abaaraha looga dhageystay Ergayga Gaar ah ee Arrimaha Abaaraha u qaabilsan Madaxweynaha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Maanta Gelinka dambe ayaa la filayaa in la soo geba-gabeeyo Shirka Golaha wadatashiga Qaran, iyada oo laga soo saarayo Warsaxaafadeed ku saabsan waxyaabaha ay Madaxda ku heshiiyeen.



