Waxaa lagu waddaa saacadaha soo socda in magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga uu ka furmo shir u dhaxeeya dalalka islaamka iyo sidoo kale dowladda Mareykanka.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya inta badan hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Magaalada Riyaad ayaa hadda waxaa ku sugan qaar ka mid ah Madaxweynayaasha dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump
Trump ayaa la kulmay boqorka Sacuudiga Salmaan, waxaana uu khudbad u jeedin doonaa maanta hogaamiyayaal ka socda in ka badan 40 dal oo Muslim ah.
Shirweynahaasi waxaa xoogga lagu saari doonaa dagaalka ka dhanka ah ururrada xagjirka ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirkaan ka qeyb gali doona ,isagoona la kulmi doono hoggaamiyeyaasha Shirkaan joogga qaarkood.



