DHAGEYSO: Askari sheegay in uu kabaxay ballan ay la galeen Al-Shabaab

Askari ka tirsan ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa soo bandhigay Walxaha qaraxa oo sida uu sheegay Al-shabaab kula ballaameen in lagu dilo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Magaalada Baledweyne.

Askarigan oo lagu magacaabo Maxamed Cali Axmed oo warbaahinta faah faahin ka siiyay sheekada ku saabsan xiriirka dhaxmaray isaga iyo saraakiisha Al-shabaab ayaa sheegay in ay kula ballaameen in walxaha qarxa u geeyo xerada Lama-galaay oo saldhiga u ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 21aad oo ah xero siweyn amnigeeda loo ilaaliyo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay u sameeyeen balan qaadyo badan.

“Wax yaabaha ay i weydiiyeen waxaa ka mid ahaa in aan awood u leeyahay tagista xarumaha waaweyn ee ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, waxaan u sheegay in xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM sidda Jabuuti iyo Itoobiya intaba aan tagi karo, intaa kaddib qofkii talleefoonka igula hadlayay ayaa igu yiri qofka aan u baahannahay ayaa tahay, howl in aad noo qabato ayaan rabnaa wax kasta oo aad u baahantahayna waan ku sameyneynaa’’ ayuu sheegay askariga

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan ayaa abaalmarin guddoonsiiyay Askarigaasi ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.