London-RisaalaFM- Magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska maanta waxaa ka furmay shir caalami ah, kaasi oo ahaa mid horey loo diyaariyay qorshihiisa.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi u hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Madaxda Maamul Goboleedyada Galmudug, Puntland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland, sidoo kale shirkan waxaa ka qeyb galaya Madax ka socota wadamada taageera Soomaaliya, xubnaha Beesha Caalamka iyo xubnokale.
Ajandayaasha Shirka London looga hadlayo ayaa kala ah Arrimaha Amniga, Kobcinta dhaqaalaha, Siyaasada, Dib u eegista Dastuurka iyo Wadashaqaynta Beesha Caalamka iyo Dowladda 4-ta Sano ee soo socota.
Shirka ka furmay Magaalada London ayaa waxaa si wadajir ah u gudoominaya Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha dalka UK iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo ka hadlay shirka ayaa sheegay Soomaaliya in ay u baahan tahay caawimaad, gaar ahaan ammaanka iyo dhaqaalaha.



