Shir looga hadlayo colaada Congo oo maanta furmaya iyo MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ka qaybgalaya shir aan caadi aheyn oo maanta ka furmaya Magaalada Daarusalaam ee Caasimadda Dalka Tanzania kaas oo looga hadlayo Xaaladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

Shirkan ayaa waxaa Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweyneyaasha Kenya, Rwanda, Koofur Afrika, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Uganda iyo dalka martigelinaya shrika ee Tanzania.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda kale ee shirkaan ka qaybgalaya ayaa si gaar ah diiradda u saari doono xoojinta dedaallada lagu gaarayo xasilooni iyo in wadahadal lagu dhammeeyo xiisaddaas taagan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka ka jeedin doono khubad uu kaga hadlayo dhibaatada ay leedahay colaada sokeeye iyo sida xal looga gaari karo colaada.

Xiisadda ka dhex jirta Rwanda & Congo DR ayaa salka ku heysa kaddib markii Xukuumadda Kigali lagu eedeeyay in ay garabsiineyso Kooxda Fallaagada ah ee M23 oo todobaadkii hore qabsatay Magaalada weyn ee Goma.

Madaxda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa dacwad ka gudbiyay Rwanda iyaga oo ku eedeeyay in ay faragelin ku heyso maadaama ay hubeyneyso fallaagada M23 isla markaana gabbaad xooggan siisay.

Madaxweynaha Kenya William Ruto oo hadda ah guddoomiyaha ururka Bariga Afrika ayaa ku baaqay xabbad-joojin, isagoona isugu yeeray dhammaan madaxda maanta shirka ka qeyb galaysa.

Tan iyo bilowgii 2025 in ka badan 400,000 oo qof ayaa lagu qasbay in ay ka barakacaan guryahooda gobollada Waqooyiga iyo Koonfurta dalka Tanzania, halka dad gaaraya 900 oo qofma ay ku dhinteen colaada, sida ay sheegtay Qaramada Midoobe.