Waxaa saaka xiran Suuqyada Waa weyn ee Magaalada Muqdisho, kadib markii ganacsatada ay cabasho ka muujiyeen canshuur cusub oo lagu soo kordhiyay ganacsatada iyo hanjabaad ay sheegeen in ganacastada lagu hayo.
Ganacsatada ayaa soosaartay go’aan ay ku sheegeen in ay ku dhaqaaqayaan shaqo joojin maanta ka billaabaneysay waxaana muuqda in uu dhaqangalay go’aankooda maadaama ay xireen goobahooda Ganacsiga.
Suuqyada manta xiran ayaa ka mid ah suuqa ugu weyn Soomaaliya Bakaaraha, Suuq Bacaad iyo Xamarweyne.
Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxaa xiran dhammaan Goobaha Ganacsiga, Dadkii ku ganacsanayay ayaa horfadhiya oo waxa ay diidan yihiin in ay albaabada furaan, waxa ay ku doodeen in ay doonayaan in la dhageysto tabashada ay qabaan.
Warqad ay xalay soo saareen ganacsatada gobolka Banaadir ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay cabasho ka yihiin hay’adda Nabad sugida Soomaaliya, kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in ay bilaabeen in ay u hanjabaan ganacsatada iyo inay xiraan goobahooda ganacsiga, waxaana tilmaameen in ay hay’adaha amniga u sheegeen ganacsatada in ay aruurinayaan canshuur, taasi oo ay walaac xooggan ay ka muujiyeen ganacsatada.
Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ayay waxay ku eedeeyeen in ay rabto in ay soo rogto canshuur cusub oo ay doonayso in ay ka qaato ganacsatada iyo dadka muruqmaalka, waa sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay ganacsatada gobolka Banaadir.
Sidoo kale ganacsatada ayaa walaac ka muujiyay amar dhawaan ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya, kaasi oo ay ku sheegeen inuu yahay mid culeys ku ah ganacsatada, waxay sheegeen in amarkaasi oo la xiriiro in ay bixiyaan lacag ay ku sheegeen warqada dambi la’aanta.
Ganacsatada ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin culeysyada la saaray oo Suuqa uu xirnaan doono ilaa Xal loo helo cabashadooda.
Go’aanka ayaa ku soo aadaya xili dhowr jeer ganacsatada lagu soo rogay amaro la xiriira in ay bixiyaan canshuur, taasi oo ay ku soo rogtay wasaarada Maaliyada, waxaana markaasi ay muqdisho ku qabteen banaanbax ay arrintaasi ugu cabanayan, inkastoo markii dambe ganacsatada iyo DF ay yeesheen xal laga gaaray cabashada ay qabeen.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay ka hadasho cabashada iyo walaac ay muujinayaan ganacsatada gobolka Banaadir.



