Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimada Dalka Uganda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmaya dhigiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni.
Labada madaxweyne ayaa ka wada hadli doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo la dagaalnaka argagaxisada.
Dalka Uganda ayaa ah dalka ciidamada ugu badan ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ay ka socdaan waxaana labbada madaxweyne ay sidoo kale diirada saari doonaan sidii Uganda ay Soomaaliya garab buuxa ugu siin lahyed la dagaalanka Shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe safar ku tagayay wadamada ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.
Horey ciidamada Uganda ayaa ka baxay saldhigyo badan oo ay ku lahaayeen qaar ka mid ah gobolada dalka.
Ciidamada midowga Afrika ka socda ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia iyo Djibouti, kuwaasi xiligan ka hawlgala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.



