Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta kulan ku yeeshay Wasiirka Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre iyo Saraaskiisha Hay’adda Amniga Hirshabelle.
Kulankaan ayaa looga hadlaynay Arrimaha Amniga iyo xasilinta Magaalada, waxaan warbixino looga dhageystay saraakiisha ciidanka ee ka howlgala Gobolka Hiiraan.
Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray shaqaaqadii ka dhacday Magaalada Beledweyne iyo sidii looga gudbi lahaa xiisada kajirtay Magaalada Beledweyne.
Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalin ka hor uu dagaal Magaalada Beledweyne ku dhexmaray Ciidamada Ammaanka iyo Maleeshiyaadka Janeraal Xuud uu hoggaamiyo, kuwaas oo kasoo horjeedo hoggaamiyeyaasha Maamulka Hir-Shabeelle.



