Taliyaha Booliska Puntland Sareeyo Guute Muumin Cabdi Shire ayaa ka qeyb galay Shirka Saraakiisha Amniga Gobolka Nugaal, kaas oo Maanta oo Khamiis ah lagu qabtay Magaalada Garoowe.
Shirka waxaa sidoo kale ka qayb galay hoggaanka laanta Waddooyinka Puntland G/Sare Cabdifataax Siciid Saleebaan iyo Kusimaha Taliyaha qaybta booliska Nugaal ahna Taliye ku xigeenka Nugaal G/le Maxamuud Muuse Bille Fardafuul.
Taliyaha Booliska Puntland Sareeyo Guute Muumin Cabdi Shire ayaa ku amray Saraakiisha inay howl galada sii wadan dagaal adagna lala galo kooxaha isticmaala & kuwa ka Ganacsada Mandooriyaha iyo Al-Shabaab si amniga caasimadda kor loogu sii qaado.
Shirka ayaa looga hadlay xaladda amniga Nugaal iyo howl galadii lagu sugayay amniga caasimadda, kaas oo tdoobaadyadii la soo dhaafay ka socday magaalada Garoowe kadib markii ay soo badatay cabashada dadweynaha.
Ku simaha Taliyaha qaybta Nugaal G/le Maxamuud Muuse Bille Fardafuul ayaa warbixin ka dhagaystay Saraakiisha Saldhigyada iyo Rugaha ee Garowe, taas oo la xiriirta arrimaha Amniga guud ee degmooyinka iyo degaannada Gobolka Nugaal.
Taliye ku xigeenka qaybta booliska Nugaal G/le Fardafuul ayaa Saraakiisha ku bogaadiyay shaqada culus ay qabteen iyo heeganka ay ciidamadu ku jiraan, isaga oo ugu baaqay inay shaqada sii dardar geliyaan.



