Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku dhimatay mid kalena waa uu ku dhaawacmay ka dib Shil Gaari oo saaka ka dhacay wadada 21-ka October ee magaalada Muqdisho.
Sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka Gaari nooca xamuulka qaada ah iyo Gaari NOHA ah ayaa isku dhacay.
Labo qof ayaa halkaasi ku dhimatay waxaana la sheegay in dadka dhintay ay saarnaayeen Gaariga Yar.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay goobta gaareen.



