Shil gaari oo ka dhacay Duleedka Garowe

Garowe-RisaalaFM- Wararka ka imaanaya Duleedka magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay uu ka dhacay shil gaari oo geystay khasaare kala duwan.

Shilkan ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari nuuca raaxada oo ku socday xawaare sare, kaasi oo ay saarnaayeen dhowr qofood, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Inta la xaqiijiyay Saddex Qof ayaa ku dhimatay, laba kalena way ku dhaawacmeen shirlkan sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Garowe iyo kan degmada goobta gaaray.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa la geeyay Isbitaalka Dhexe ee magaalada Garowe, waxaana halkaas lagu dabiibayaa labada qof ee dhaawaca uu soo gaaray.