Madaxweynihii hore ee Soomaliya Shariif Sheekh Axmed iyo qaar kamid ah hoggaanka Himilo Qaran ayaa waxaa ay hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku booqdeen Madaxweynihii hore ee dalka Xassan Sheekh Maxamud.
Kulanka ay yeesheen labada dhinac ayaa looga wada hadlay sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii ay wada galeen Midowga Musharaxiinta iyo RW Rooble, sidoo kaleedna loogu diyaar-garoobi lahaa shirka loo balansanyahy 20 May iyo howlaha laxiriira Doorashooyinka.
Madaxweynihii hore ee Soomaliya ahna Gudoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahad celiyay Xasan Sheekh Maxamuud booqashadiis, isaga oo sheegay inay sii socon doonaa n shirarka looga hadlayo Arrimaha masiiriga ah ee dalka Soomaaliya.



