Kulan Degdeg ah oo Maanta laga yeelanayo weerarada Israa’iil ee Qudus

Kulan Xilliyeedka caadiga ee Wakiilladda Joogtada ee Golaha Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa lagu wadaa inay Maanta oo Isniin ah uu ka dhaco Xarunta Ururkaasi oo ku taalla Caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

Shirkaasi oo ay Dowladda Qatar guddoomin doonto ayaa waxaa looga xaajoon doonaa Dembiyada ay Israel ka geysaneyso magaalladda Quddus-ta la-haysto.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Xusaam Zaki ayaa ku dhawaaqay Qabsoomida Shirkaasi, iyadoo ay Maamulka Reer Falastiin codsadeen Shirka Degdegga ee looga hadlayo Tacadiyada iyo Weerarada ay Askarta Yuhuudda u geystaan dadka ku cibaadaysanayo Masjidka Al-Aqsa.

Kulanka Wakiilladda Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta ay yeelanayaan waxaa kaloo looga xaajoonayaa Qorshaha Israel ee ay ku doonayaan inay xoog ku qaataan Guryaha Muwaadiniinta Reer Falastiin ee ku nool Al Quddus, gaar ahaan Deegaanka Sheekh Jarrah.