Ciidamada dowladda oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan Guutada 5-aad ee Qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgal ka dhan ah Al-Shabaab waxaa ay la sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Howlgalka oo si gaarka ah kaga dhacay deegaanka Sulaay ee hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen in  ciidamada Xoogga ay howlgalkaas guulo waaweyn ka gaareen.

Taliyaha Guutada 5-aad Qeybta 27-aad Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay oo hoggaaminayay howlgalka ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in ay khasaaro xooggan ku gaarsiiyeen  Al-Shabaab howlgalka, kuwaas oo ku sugnaa Wadada Xiriirisa deegaanka Coomaad iyo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada dowladda ayaa weli ka wada degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas  oo mararka qaar weeraro la beegsada saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.