Sheekh Shariif C/nuur oo Sacuudiga ku geeriyooday

Muqdisho-RisaalaFM- Allaha u naxariistee waxaa dalka Sacuudiga ku geeriyooday Sheekh Shariif Cabdi Nuur Shariif Xasan oo ka mid ahaa culimadda Soomaaliyeed, kuwooda ugu qiimaha badan.

Sheekha ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanaayay dalka Sacuudiga, halkaasi oo uu ku noolaa, balse saaka ayaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday.

Ehelada Sheekh Shariif Cabdi Nuur, ayaa xaqiijiyay geerida wadaadka oo si weyn ay u garanayaan Bulshada Soomaaliyeed.

Sheekhu waxa uu ka mid ahaa Macalimiintii Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, sidoo kale waxa uu kamid ahaa culimada waa weyn iyo ducaada Soomaaliyeed ee diinta loogu tago.

Allaha u naxariistee Sheekhu kama mid noqon ururadii Islaamiga ahaa ee dalka ka kacay 50 sano ee u dambeysay, waxaana uu ahaa mid si guud aqoonta diinta looga wada qaato.

Qaar ka mid ah Culimadda Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyadeysay geerida ku timid Sheekh Shariif Cabdi Nuur.