Baydhabo-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo wareegto soo saaray ayaa maanta magacaabay Wasiiru Dowlaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shariif Xasan ayaa wareegtadiisa ku sheegay in la tashi kala sameeyay Barlamaanka Koonfur Galbeed, sidaasina Cusmaan Buube Yuusuf Rooble ugu magacaabay Wasiiru Dowlaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Maamulka Koonfur Galbeed.