DHAGEYSO: Shariif Xasan oo gaaray Kismaayo “SAWIRRO”

Kismaayo-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga Shariif Xasan waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wafdiga Shariif Xasan ayaa waxaa ka mid ah Senataro laga soo doortay magaalada Baydhabo iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirada dowlad goboledka Koonfur Galbeed iyo xildhibaano.

Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Gacma oo la hadlay Risaala ayaa sheegay ayaa sheegay ujeedka Madaxweyne Shariif Xasan uu u gaaray magaalada Kismaayo in ay tahay sidii uu uga qeyb gali lahaa shirka maamul goboleedyada ee ka Axada ka furmaya Kismaayo, kaasi oo uu shaaciyay Madaxweyne Axmed Madoobe.