Qaar kamid ah shaqaalaha caafimaad ee Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay isla magaalada mqudisho ka dhigeen banaanbax ay kaga cabanayaan mushaar la’aan.
Shaqaalahaani oo isugu jiray Dumar iyo Rag ayaa waxa ay wateyn Boorar waaweyn oo ay ku qoranyihiin xuquuqdeena ayaan rabnaa, Mushaar la’aan laguma shaqeyn karo iyo oraah la hal maasha, waxa ayna socod ku mareyn qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho.
Waxa ay ku dhawaaqayeen “Muddo 27 sano ah wax xaquuq ah ma helin kumana shaqeyn karno”
Shaqaalahaani oo sheegay in wax xuquuq ah aysan helin muddo 27 sano ah ayaa dowladda federeaalka gaar ahaan wasaarada Caafimaadka xukuumada federaalka Soomaaliya ugu baaqay in xaqooda la siiyo oo msuaaradooda si joogto ah loo siiyo.
Isbitaalka Banaadir waxa uu kamid ahaa Isbitaalada dowladda dhexe ay maamuli jirtay burburkii ka hor balse markii ay meesha ka baxday dowladii kacaanka ayaa waxaa la wareegay hey’addo shisheeye.



