Shanta Kooxood Ee Ilaa Iyo Haatan U Soo Baxay Wareega 16ka Champions League

Kooxda Borussia Dortmund ayaa xalayto noqotay kooxdii ugu danbeysay ee u soo baxda wareega 16ka koobka Champions League ka dib markii la ciyaaray kulamadii afaraad ee wareega group-yada koobka ugu qiimaha badan kooxaha Yurub.

Gool uu dhaliyay Adrian Ramos ayaa ka saaciday Dortmund inay 1-0 ku garaacdo kooxda Sporting Lisbon oo marti ku aheyd Jarmalka, waxaana ay taasi u xaqiijisay inay u soo baxaan wareega 16ka iyagoo leh 10 dhibcood, waxaana saaciday barbarihii ay Real Madrid la gashay kooxda Legia Warszawa ee isla Group F.

Habeen hore afar kooxood ayaa xaqiijistay booskooda wareega 16ka, iyadoo Group A ay ka soo wada baxeen kooxaha Arsenal iyo PSG oo min 10 dhibcood leh iyagoo 9 dhibcood ka sareeya labada kooxood kale ee group-ka kula jirta. Kooxaha Ingariiska iyo Faransiiska ayaana haatan u tartami doona kooxdii ku soo bixi laheyd kaalinta 1aad.

Sidoo kale waxaa habeen hore soo baxay kooxaha Group D ee Atletico Madrid iyo Bayern Munich oo kala leh 12 dhibcood iyo 9 dhibcood iyadoo labada kooxood kale ee Rostov iyo Eindhoven ay leeyihiin kaliya min hal dhibic.

Kooxaha Ilaa Iyo Haatan U Soo Gudbay Wareega 16ka:

Arsenal

Paris Saint-Germain

Atletico Madrid

Bayern Munich

Borussia Dortmund