Mourinho oo lagu riday Ganaax Hal Kulan Ah

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa ganaax hal kulan ah iyo ganaax lacageed oo 50 kun ginni ah kala kulmay xiriirka kubada cagta Ingariiska labadii dacwadood ee loo heystay.

Gudi madax banaan oo dhageystay dacwadaya ayaa sheegay in Mourinho uu aqbalay in hadaladii uu ka sheegay garsoore Anthony Taylor ka hor kulankii Liverpool ee bishii hore in loo qaadan karo inay tahay wax aan anshaxa ku habooneyn, laakiin waxa uu beeniyay in hadaladiisa ay saameyn ku yeelatay ciyaarta.

Gudiga ayaase go’aan ku gaaray in hadalkiisa ay qalqalgelisay ciyaarta waxaana ay ku soo rogeen ganaax lacageed iyo weliba digniin la xiriirta habdhaqankiisa mustaqbalka.

Dacwad taas ka duwan, Mourinho waxa laga ganaaxay inuu kursiga keydka soo fariisto kulanka Swansea ee Axada ka dib markii uu qirtay inuu ereyo afllagaado iyo xadgudub ah uu u adeegsaday garsoore Mark Clattenburg, waxaana uu aqbalay ciqaabta lagu soo rogay.

Mourinho ayaa taribuunka la saaray qeybtii labaad ee kulankii ay Man United barbaraha goolal la’aanta Old Trafford kula galeen Burnley ka dib markii uu ka xanaaqay in garsoore Clattenburg uu u dhigi waayay kooxdiisa rigoore markii Jon Flanagan uu qalad ku galay Matteo Darmian.

Si la mid ah halka kulan ee laga mamnuucay kursiga keydka waxaa sidoo kale lagu ganaaxay 8 kun euro.

Ganaaxa halka kulan ee lagu soo rogay Mourinho ayaa la micno ah inuu kursiga keydka ku soo laaban doono kulanka uu wajahay ninka ay cadaawada kubadeed kala dhaxeysa ee Arsene Wenger marka ay Man United martigelin doonto Arsenal ka dib marka ciyaaraha caalamiga laga soo laabto 19ka November.