Gaalkacyo-RisaalaFM- Shacabka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay soo dhaweeyeen Heshiiska Maamullada Puntland iyo Galmudug ku dhexmaray Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta, kaas oo looga hadlayay Dagaalka Gaalkacyo.
Qaar ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Heshiiskii Magaalada Gaalkacyo ay ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.
Waxa ay sheegeen shacabka Gaalkacyo in ay rabaan Nabad, sidoo kalena Maamullada Puntland iyo Galmudug ay ugu baaqayaan in ay tixgeliyaan Heshiiska.
Shalay ayay aheyd markii Magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah, waxaana bur buray Heshiiska labada dhinac.


