Loise Njoki oo dib ula midowday Qoyskeeda

Muddo 18-bilood oo ay gacanta ugu jirtay kadib waxaa suuragashay inay dib ula midowga Qoyskeeda, iyadoo badqabta Loise Njoki oo ah haweenay u dhalatay dalka Kenya oo gacanta Burcad badeeda Soomaalida laga soo badbaadiyay.

Loise Njoki, ayaa markii laga dejiyay Garoonka Diyaaradaha Wilsan ee Magaalada Nairobi waxa ay halkaasi ku aragtay xubno ka tirsan qoyskeeda oo ay ugu horeyso gabadha yar ee ay dhashay.

Loise Njoki, ayaa markii ay aragtay Gabadheeda yar aad u ilmaysay, iyadoo dareemaysa farxad xoogan oo ku aadan dib inay u aragto qoyskeeda, iyadoo badqabta.

Ciidamada Maamulka Galmudug, gaar ahaan kuwa NISA ayaa xoog ku soo furtay haweenaydaan oo muddo 18-bilood ah lagu haystay deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug.

Haweenaydaan 41 jirka ah ayaa aad uga mahadcelisay ciidamada Galmudug ee ka shaqeeyay badbaadeeda, waxaana ay sheegtay inaysan ilaabi doonin, wixii Soomaaliya loogu geystay.

Maamulka Galmudug ayaa todobaadkaan Xaflad ka dhacday Magaalada Cadaado Haweenaydaan ku wareejiyay, waxaana lagu wareejiyay Safiir ku xigeenka Kenya u fadhiya Soomaaliya.