Kooxda Arsenal ayaa ku jirta dadaaladii ugu dambeysay ee ay isugu dayeysay iney heshiis cusub uga saxiixdo weeraryahankooda reer Chile Alexis Sanchez iyadoo miiska u saareysa lacag dhan 270,000 kun isbuucii.
Balse lama oga inuu xidigaan ku qanci doono madama kooxda aysan ciyaari doonin Champions League tiiyoo ay jirto iney kooxo waaweyn oo ay ka mid yahiin: Bayern Munich, Paris Saint Germain iyo Manchester City ay isku heystaan saxiixiisa.
Arsenal waxey dajisay qorshe labaad oo ay ku diyaariso sidii ay u noolaan laheyd la’aanta xidiga reer Chile madama ay macquul tahay inuu isaga guuro Emirates Stadium.
Sida ay sheegayaan warbixino dhawr ah Gunners – shan xidig ayey u dhaqaaqi doontaa si ay ugu buuxiso booska Alexis Sanchez hadii uu isaga dhaqaaqo kooxda waxaana ka mid ah xidiga ugu muhiimsan Real Madrid waqtigaan Isco Alcaron kaas oo qabsaday hadal heynta kooxda oo dhan bilahii ugu dambeeyay.


